Muqdisho (Dawan TV) – Madasha Samatabixinta Soomaaliya ayaa si kulul u dhaliishay go’aanka Dowladda Soomaaliya ay kaga baxday hannaanka iskaashiga caalamiga ah ee muddo dheer socday, iyagoo ka digay in tallaabadan ay khatar gelinayso xasilloonida dalka ayna wiiqayso xiriirrada muhiimka ah oo ay Soomaaliya la leedahay caalamka.
War-saxaafadeed ay soo saareen 12-ka Juun 2025, ayay mucaaraddu kaga jawaabeen hadal uu dhawaan jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu ku sheegay in la beddelayo madasha C6+ loona wareegayo hannaan si toos ah loola yeesho dalalka kale. Madashu waxay ku doodday in isbeddelkan uu halis gelinayo siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya isla markaana uu carqaladeyn karo dadaallada wadajirka ah ee lagula tacaalayo dhibaatooyinka amni, siyaasadeed, iyo bini’aadantinimo ee dalka ka jira.
“Go’aankan degdegga ah wuxuu ka tarjumayaa ka leexashada iskaashi miro-dhal ah, wuxuuna ka jeedinayaa dareenka fashilka dowladda ee ku aaddan wada-shaqeynta wax-ku-oolka ah ee lala yeesho daneeyeyaasha Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri bayaanka.