Muqdisho (Dawan) – Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa Talaadadii Muqdisho ka daahfuray mashruuca Pandemic Fund, kaas oo lagu xoojinayo awoodda dalka ee ka hortagga, ogaanshaha iyo ka jawaabidda cudurrada faafa iyo xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka.
Wasiirku wuxuu sheegay in Soomaaliya ay heshay maalgelin ku dhow $5 milyan, kaddib soo-jeedin ay Wasaaradda Caafimaadku gudbisay sanadkii 2022, iyadoo dalka uu ka mid noqday toddoba dal oo Afrikaan ah oo ku guuleystay maalgelinta.
“Maanta waxaan haysannaa fursad taariikhi ah oo aan ku dhisno nidaamkeenna qaranka ee amniga caafimaadka,” ayuu yiri Cali, isagoo sheegay in maalgelinta loo adeegsan doono ka hortagga, u-diyaargarowga iyo ka jawaabidda cudurrada faafa.
Mashruucu wuxuu xoogga saarayaa saddex qaybood oo waaweyn: la-socodka iyo ogaanshaha cudurrada, xoojinta shaybaarada iyo horumarinta shaqaalaha caafimaadka.
Wasiirku wuxuu sheegay in la xoojin doono nidaamka la-socodka cudurrada si si degdeg ah loo ogaado xaaladaha aan caadiga ahayn, loona gudbiyo kooxaha ku shaqada leh baaritaanka iyo jawaabta caafimaad.
Waxa kale oo la qorsheeyay in la kordhiyo awoodda shaybaarada qaranka iyo kuwa dhexe, si cudurrada looga xaqiijiyo si degdeg ah marka ay kooxaha la-socodka cudurradu soo sheegaan xaalado laga shakisan yahay.
Cali wuxuu sheegay in shaqaalaha caafimaadku ay qayb muhiim ah ka yihiin nidaamka, isagoo xusay khubaro ku takhasustay la-socodka cudurrada, shaybaarada, caafimaadka xoolaha iyo deegaanka.