Soomaalia, Janaayo 4, 2026 (Dawan)- Soomaaliya ayaa sannadka cusub qaaday tallaabo muhiim ah oo dhanka hufnaanta maaliyadeed ah, kaddib markii shirkadda Hormuud Telecom ay hirgelisay adeeg cusub oo hufnaan ah, kaas oo soo muujinaya magacyada lacag helaha oo dhamaystiran ka hor inta aan la dhammaystirin wareejinta lacageed ee adeega EVC Plus.
Isbeddelkan, oo la hirgeliyay dabayaaqadii Diseembar ee sanadkii dhamaaday, ayaa soo afjaraya in ka badan 14 sano oo ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ay wareejinayeen lacagaha iyaga oo aan la aqoosan karin magacooda. Dad badan oo la qabsaday qarinta magacyada ayaa arrintan u arka astaan muujineysa awoodda sii kordheysa ee dowladda federaalka ay ku yeelanayso dhaqaalaha danabeysan ah ee dalka.
Tallaabadan ayaa imanaysa xilli Soomaaliya ay isu diyaarinayso dib-u-habayn ballaaran oo kale, maadaama la qorsheeyay in sanadka 2026 dhammaan kaararka SIM-ka ee dalka lagu diiwaangeliyo Aqoonsiga Qaranka, oo ay bixiso Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA). Dhammaan tallaaboyinkan ayaa saamayn ballaaran ku yeelanaya la-dagaallanka lacag-dhaqista, maalgelinta argagixisada, iyo nolosha maalinlaha ah ee muwaadiniinta caadiga ah.
Hormuud Telecom ayaa sheegtay in adeeggan cusub uu waafaqsan yahay halbeegyada caalamiga ah ee adeegyada lacagaha mobilada, isla markaana uu xoojinayo amniga iyo kalsoonida macaamiisha. Madaxa Xiriirka Shirkadda Hormuud, Yaasin Xasan, ayaa u sheegay Dawan in shirkaddu ay hormuud u tahay hal-abuurnimada adeegyada lacagaha mobilada, isla markaana ay ka go’an tahay in ay hirgeliso xeerarka cusub ee nidaaminta, si loo hubiyo in dhammaan adeegyadu ay noqdaan kuwo ammaan ah oo hufan.
“Shirkadda Hormuud Telecom, waxaa ka go’an horumarinta adeegyada maaliyadeed ee macaamiisheena. Muujinta magacyada dhaamaystiran ee qaataha ka hor inta aan la fulin adeegga waa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo amniga iyo kalsoonida, isla markaana lagu hubinayo u hoggaansanaanta heerarka ugu sarreeya ee caalamiga ah ee adeegyada lacag-dirista mobilka.” Ayuu yiri; Yaasiin

Nidaam ka dhashay duruufo jiray
Adeegyada lacagaha mobilada ee Soomaaliya ayaa ku dhashay duruufo adag. Sanadihii 2007 ilaa 2009, dalka waxa ka jiray lacag-yari ba’an, taas oo keentay in Hormuud ay bilowdo adeeggeedii ugu horreeyay ee Zaad, oo markii hore muujinayay magacyada macaamiisha. Hase yeeshee, kooxda Al-Shabaab oo xilligaas ka talinaysay dhul ballaaran ayaa mamnuucday adeegga, iyada oo ku tilmaantay adeeg ku ah kormeer.
“Al-Shabaab waxay u aragtay nidaamka mid lagu kormeerayo laguna dabagalayo dhaqdhaqaaqyada,” ayuu yiri, Maxamed Ibraahim, Tifaftiraha Amniga iyo Difaaca ee Dawan TV. Isaga oo raaciyay “Waxay ogaayeen in haddii macaamillada la raadin karo, ay si fudud u fashilmi doonaan shabakadaha maalgelintooda.”
Arrintaas awgeed, Hormuud waxay daahfurtay EVC, oo oggolaanayay wareejin lacageed oo aan magac lahayn, kuna koobnayd xaddi lacageed. Adeeggan ayaa si degdeg ah u noqday laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, isaga oo loo adeegsaday mushahaar bixinta, xawaaladaha iyo ganacsiga maalinlaha ah. Warbixino ka soo baxay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (NCA) ayaa muujinaya in EVC uu sannadkii 2025 maamulayay in ka badan saddex bilyan oo doollar oo wareejin lacageed ah.










