London (Dawan)- Manchester United ayaa si lama filaan ah u dhabar-jabisay rajadii Arsenal ee hanashada horyaalka Premier League, kaddib markii ay 3–2 kaga soo adkaadeen kulan xiiso iyo xamaasad badan lahaa oo Axaddii ka dhacay garoonka Emirates Stadium.
Matheus Cunha ayaa noqday geesiga kulanka, kaddib markii uu dhaliyay goolka guusha daqiiqaddii 87-aad, gool kaas oo soo afjaray rikoor ay Arsenal ku faani jirtay oo ahaa in aan lagaga adkaan gurigooda tan iyo bishii May 2024.
Macallinka ku-meel-gaarka ah ee United, Michael Carrick, ayaa sii wata bilowgiisa shaqada ee kooxda, kaddib markii uu kulankiisii ugu horreeyay kaga adkaaday Manchester City. Guushan Emirates-ka ayuu ku diiwaangeliyay tii ugu horreysay ee United ay halkaas ku gaaraan tan iyo December 2017, isaga oo adeegsaday xeelad ku dhisan difaac abaabulan iyo weerarro rogaal-celis ah.
Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si lama filaan ah, markii difaaca United Lisandro Martínez uu si kama’ ah gool isaga dhaliyay daqiiqaddii 29-aad, taasoo Arsenal hoggaanka u dhiibtay. Si kastaba, United ayaa si degdeg ah uga soo jawaabtay, iyadoo Bryan Mbeumo uu barbarreeyay natiijada siddeed daqiiqo kaddib, kaddib qalad uu galay Martín Zubimendi.
Qeybtii labaad, Patrick Dorgu ayaa kubbad xooggan oo masaafo dheer ah United hoggaanka u dhiibay, hase yeeshee Arsenal oo u muuqatay inay dhibic badbaadsan karto ayuu Mikel Merino madax ku dhaliyay kubbad ka timid koorno uu soo tuuray Bukayo Saka. Dhammaadka ciyaarta, Cunha ayaa si qurux badan u dhameystiray weerar degdeg ah, isaga oo goolka saddexaad u saxiixay United.








