New York (Dawan) – Qaaradda Afrika ayaa wareegga 16-ka Koobka Adduunka 2026 ku yeelatay laba dal oo keliya, iyadoo Morocco iyo Masar ay noqdeen labada xul ee u soo gudbay wareegga xiga, kaddib markii toddobo xul oo kale ay ku hareen wareegga 32-ka.
Koobka Adduunka ee sanadkan, oo markii ugu horreysay ay ka qeyb galayaan 48 waddan, ayaa Afrika siisay fursaddii ugu ballaarneyd ee taariikhdeeda, iyadoo tartanka ay ka qeybgaleen 10 xul oo Afrikaan ah. Sagaal ka mid ah xulalkaas ayaa kasoo gudbay wareegga guruubyada una soo baxay wareegga 32-ka, taasoo noqotay rikoor cusub oo muujinaya horumarka kubadda cagta qaaradda.
Si kastaba ha ahaatee, wareegga 32-ka ayaa noqday mid adag, waxaana tartanka ka haray Koonfur Afrika, Côte d’Ivoire, Cape Verde, Senegal, Ghana, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Algeria, halka Morocco iyo Masar ay sii wadaan socdaalkooda.
Morocco ayaa u soo gudubtay wareegga 16-ka kadib markii ay rigooreyaal 3–2 ah kaga adkaatay Netherlands, ciyaar ku dhammaatay barbaro 1–1 ah waqtigeedii caadiga ahaa iyo kii dheeriga ahaa. Guushaas ayaa sii xoojisay sumcadda Atlas Lions, oo hore u noqday xulkii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee gaara afar dhammaadka Koobka Adduunka sanadkii 2022.