Sool ( Dawan) Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay bilaabashada doorashooyinka tooska ah ee goleyaasha deegaanka Gobolka Banaadir, kuwaas oo ay ku tilmaantay tallaabo taariikhi ah oo muujinaysa horumar la taaban karo oo dhanka dimuqraadiyadda iyo ka-qaybgalka shacabka ah.
Doorashadan, oo saaka si rasmi ah uga billowday magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka qayb qaadanaya kumannaan muwaadiniin ah oo ku nool caasimadda, iyadoo Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka uu sheegay in in ka badan 500 kun oo qof ay qaateen kaararka cod-bixinta.
Bayaan kasoo baxay maamulka Waqooyi Bari ayaa lagu sheegay in dowlad-goboleedku si buuxda u taageerayo hirgelinta doorashooyinka tooska ah, waxaana lagu xusay muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed loo suurtageliyo inay si xor ah u doortaan wakiilladooda.
“Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari waxay si buuxda u soo dhoweynaysaa hirgelinta doorashooyinka dowladaha hoose ee Gobolka Banaadir, kuwaas oo ah tallaabo muhiim u ah xoojinta dimuqraadiyadda, dowlad-wanaagga iyo ka-qaybgalka dadweynaha ee hoggaaminta dalka,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Maamulka Waqooyi Bari ayaa sidoo kale muujiyay diyaar-garowgiisa ku aaddan in doorashooyin qof iyo cod ah laga qabto deegaanadiisa, isagoo tilmaamay in arrintaasi tahay tiir muhiim u ah dhismaha dowladnimo casri ah oo ku dhisan rabitaanka shacabka. “Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari waxay caddeyneysaa diyaar-garowgeeda buuxa ee ka-qaybgalka hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod, kuwaas oo ah tiir muhiim u ah dimuqraadiyadda iyo dowladnimada casriga ah,” ayaa mar kale lagu adkeeyay bayaanka.
Guddiga Doorashooyinka ayaa horay u sheegay in deegaanada Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari lagu wado in ay ka qabsoomaan doorashooyin toos ah, iyadoo bishii Sebtembar ee sanadkan laga bilaabay diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha.

