Muqdisho (Dawan)- Doodda doorashada Soomaaliya waxay inta badan ku soo ururtaa hal weedh oo soo jiidasho leh: qof iyo cod. Laakiin afarta hannaan ee ay soo bandhigeen Dowladda Federaalka iyo saddexda garab ee mucaaradka isku macne ma aha. Qaar waxay muwaadinka siinayaan inuu xisbi doorto, qaar inuu musharrax deegaan doorto, halka mid kale uu cod toos ah ku dhex gelinayo kuraas weli lagu sii qaybinayo 4.5.
Sidaas darteed, su’aasha saxda ahi ma aha oo keliya: dadweynuhu ma codeynayaan? Waxaa kale oo muhiim ah: maxay u codeynayaan, yaa go’aaminaya cidda tartami karta, sideese codadka loogu beddelayaa kuraas baarlamaan?
Dowladda Federaalka, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, Nabad iyo Nolol iyo Golaha Midnimada Soomaaliyeed waxay miiska soo saareen afar soo-jeedin. Midkoodna weli ma noqon hannaan rasmi ah oo lagu heshiiyey. Weli lama isla meel dhigin sharciga doorashada, guddiga maamulaya, kaalinta dowlad-goboleedyada, jadwalka, amniga iyo habka loo xallinayo murannada.
Soo-jeedimaha waxaa loo gudbiyey dhexdhexaadiyeyaasha caalamiga ah. Turkiga ayaa fududeynaya wada-hadallada, iyadoo Mareykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay ay ka qaybqaateen kulamadii hordhaca ahaa. Kulamadaasi ma dhalin heshiis rasmi ah, balse dhinacyadu waxay isku afgarteen inay wadahadalka sii wadaan.
Sida qorshuhu yahay, dhinacyadu waxay mar kale kulmayaan 20-ka Luulyo. Waxa miiska saaran ma aha oo keliya nooca codbixinta; waa mustaqbalka nidaamka matalaadda Soomaaliya.
Dowladda Federaalka: doorasho toos ah oo xisbiyeed
Dowladda Federaalka waxay waddaa hannaan ku dhisan diiwaangelinta codbixiyeyaasha, xisbiyo siyaasadeed iyo cod dadweyne. Ujeeddadu waa in muwaadiniintu si toos ah u doortaan xubnaha Golaha Shacabka, halkii odayaal iyo ergooyin kooban ay soo xuli lahaayeen.
Doorashadii golayaasha deegaanka Banaadir ee December 2025 waxay ahayd tijaabada ugu muuqata ee nidaamkan. Dadweynaha Muqdisho ayaa u codeeyey xubnaha golayaasha degmooyinka, iyadoo in ka badan 20 urur siyaasadeed ay tartameen. Xubnaha la doortay ayaa iyaguna dooranaya maamulka magaalada.
Marka la joogo doorashada federaalka, qof iyo codku wuxuu si toos ah ugu saabsan yahay doorashada xildhibaannada. Madaxweynaha waxaa weli dooranaya baarlamaanka.
Tusaale ahaan, haddii deegaan-doorasho ay ka tartamaan musharraxiin ka socda xisbiyada A, B iyo C, codbixiyuhu wuxuu dooranayaa musharraxa ama xisbiga uu taageersan yahay. Natiijada codadka ayaa go’aamineysa cidda kursiga heleysa; kursiga horay looguma xirayo beel gaar ah.
Hannaankani wuxuu siyaasadda ka wareejin karaa qoondo beeleed una gudbin karaa xisbiyo iyo barnaamijyo. Laakiin magaca qof iyo cod keligiis ma xaqiijinayo doorasho lagu kalsoonaan karo. Waxaa weli taagan su’aalo ku saabsan madax-bannaanida guddiga, diiwaangelinta, tartanka xisbiyada, amniga iyo sida codbixinta loo gaarsiinayo deegaannada aan dowladdu si buuxda uga talin.
Nabad iyo Nolol: cod xisbi iyo saami-qaybsi
Nabad iyo Nolol waxay soo jeedisay hannaan xisbiyeed oo ku dhisan saami-qaybsiga codadka, ama proportional representation. Muwaadinku wuxuu codkiisa siinayaa xisbi, xisbi kastana wuxuu helayaa kuraas u dhigma boqolleyda codadka uu kasbaday.
Waxay sidoo kale soo jeedisay in diiwaangelinta iyo codbixinta lagu qabto isla maalintaas iyo isla goobta. Xisbigu wuxuu ku doodayaa in tani fududeynayso ka qaybgalka, gaar ahaan dal aan weli lahayn diiwaan codbixiye oo dhammaystiran.
Tusaale ahaan, haddii la qaybinayo 100 kursi, Xisbiga A-na helo 40% codadka, wuxuu heli karaa qiyaastii 40 kursi. Xisbiga B oo hela 35% wuxuu qaadan karaa 35 kursi, halka Xisbiga C oo hela 25% uu heli karo 25 kursi.
Tusaalahani waa sharraxaad, balse wuxuu muujinayaa in cod kasta oo xisbi helo uu saamayn ku yeelanayo kuraasta guud, xitaa haddii xisbigu aanu kaalinta koowaad ka gelin deegaan gaar ah.
Su’aasha xigta waxay tahay: yaa fadhiisanaya kuraasta xisbigu helo? Haddii Xisbiga A helo 40 kursi, hoggaankiisu ma horay ayuu u diyaarinayaa liiska 40-ka qof? Liisku ma xiran yahay, mise codbixiyuhu wuxuu dooran karaa musharraxa uu xisbigaas ka taageersan yahay?
Haddii liisku xiran yahay, awood weyn ayaa u wareegeysa hoggaanka xisbiga. Haddii uu furan yahay, codbixiyuhu wuxuu saameyn ku yeelan karaa qofka baarlamaanka galaya. Waxaa kale oo u baahan in la caddeeyo sida loo ilaalinayo matalaadda haweenka, beelaha laga tirada badan yahay iyo gobollada dadkoodu yar yahay.
Nabad iyo Nolol waxay sheegtay in soo-jeedinteedu ku saleysan tahay hannaan farsamo oo la diyaariyey 2018, xilligii dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Golaha Midnimada: musharraxa codadka ugu badan hela
Golaha Midnimada Soomaaliyeed wuxuu soo jeediyey doorasho toos ah oo Golaha Shacabka lagu soo dooranayo, iyadoo dalka loo qaybinayo deegaanno doorasho. Dowlad-goboleed kasta waxaa laga sameynayaa ugu yaraan lix deegaan-doorasho.
Hannaanku wuxuu adeegsanayaa first-past-the-post: kursiga waxaa ku guuleysanaya musharraxa hela codadka ugu badan, xitaa haddii aanu helin in ka badan kala bar codadka la dhiibtay.
Tusaale ahaan, haddii afar musharrax ay kala helaan 38%, 30%, 20% iyo 12%, musharraxa hela 38% ayaa guuleysanaya. Uma baahna 50%; waxa ku filan inuu helo cod ka badan musharrax kasta oo kale.
Halkaas ayuu kaga duwan yahay hannaanka Nabad iyo Nolol. Nabad iyo Nolol waxay kuraasta ku qaybineysaa saamiga codadka xisbiyada. Golaha Midnimaduna kursi kasta wuxuu siinayaa musharraxa kaalinta koowaad ka gala deegaankaas.
Soo-jeedintu waxay dhigaysaa in Golaha Shacabka si toos ah loo doorto, iyadoo aan kuraastiisa horay loogu sii qoondeyn beelo. Aqalka Sare waxaa lagu dooranayaa hannaan heer dowlad-goboleed ah, si loo ilaaliyo kaalintiisa matalaadda nidaamka federaalka.
Waxay sidoo kale soo jeedineysaa diiwaangelin qaran, Guddi Doorasho Federaal oo madax-bannaan, guddi joogto ah oo xalliya murannada iyo Maxkamadda Sare oo qaadda racfaannada. Qoondada haweenka ee 30% waxay noqonaysaa waajib la fulin karo.