Muqdisho (Dawan)– Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, ahna Madaxa Hawlgalka AUSSOM, Safiir El Hadji Ibrahima Diene, ayaa sheegay in mustaqbalka howlgalka AUSSOM uusan halis ku jirin, inkastoo ay jiraan caqabado dhaqaale oo weli saameyn ku leh howlgalka.
Diene ayaa hadalkan ka sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyay Miizaan Podcast ee ka baxa Dawan TV, isagoo xusay in AUSSOM weli tahay saaxiib lagu kalsoon yahay oo si buuxda ay uga go’antahay taageeridda Soomaaliya xilligan xasaasiga ah.
“Maanta, mustaqbalka AUSSOM halis kuma jiro. Waxaan weli nahay saaxiib lagu kalsoon yahay oo u heellan Soomaaliya, saaxiibadeenna caalamiguna way garwaaqsadeen in AUSSOM ay tahay mid lagama maarmaan ah marxaladdan, isla markaana si hufan u gudaneysa waajibaadkeeda,” ayuu yiri Diene.
Madaxa AUSSOM ayaa carrabka ku adkeeyay in howlgalka uu si dhow ula shaqeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah, si loo xaqiijiyo in dhammaan xalalka lagama maarmaanka ah la gaari doono, isaga oo meesha ka saaray jiritaanka halis degdeg ah oo ku saabsan burbur dhaqaale.
Si kastaba ha ahaatee, Diene ayaa qiray in maalgelintu weli tahay caqabadda ugu weyn ee hortaagan AUSSOM, taasoo uu ku sababeeyay kala duwanaanshaha iyo mudnaan siinta dalalka deeq-bixiyeyaasha iyo arrimo la xiriira wadaagga culayska kharashaadka howlgalka. waxa uu yiri " Si kastaba ha ahaatee, maalgelintu waa caqabadda ugu weyn ee ku horgudbdan hawlgalkeenna"








