Muqdisho (Dawan)– Dhallinyaro ka kala timid degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa si iskaa wax u qabso ah ugu howlan olole ballaaran oo lagu nadiifinayo waddooyinka iyo xeebaha caasimadda Muqdisho, iyaga oo ka jawaabaya baaqyo iyo wacyigelin ka bilaawday baraha bulshada.
Dhallinyaradan, oo aan wax dhaqaale ah lagu dhiirrigelin, ayaa sheegay in waddaniyad iyo masuuliyad ka saaran dalkooda ay ku kaliftay in ay ka qeyb qaataan dadaalkan lagu doonayo in dib loogu soo celiyo bilicda magaalada. Waxay saacado badan ku qaataan nadiifinta goobaha dadweynaha, iyaga oo u dulqaadanaya kuleylka qorraxda iyo daalka jirka.
Cabdiraxmaan Xasan Maxamed, oo ka mid ah dhallinyarada ka qeyb qaadaneysa ololaha, ayaa Dawan Media u sheegay in uusan u dulqaadan karin in uu arko dalkiisa oo qashin dhex yaalla.
“Waxaan ka imid degmada Dayniile, hadda waxaan joogaa Xamarweyne. Maanta waan soo lugeeyay; qorraxda kuleylkeeda waad dareemi kartaa qof soo lugeeyay oo haddana lug ku laabanaya. Waddankeyga oo qashin yaallo waan u jiifan waayay,” ayuu yiri.

Dadaallada nadiifinta ayaa si gaar ah uga socda Xeebta Curubo, oo dhallinyaradu u arkaan meel muhiim u ah nasashada iyo bilicda Muqdisho. Guddoomiyaha Iskaashatada Dhallinta, Xarbi Ismaaciil Xarbi, ayaa sheegay in isbeddel muuqda laga dareemayo goobta.
"Maalintii ugu horreysay ee aan nimid halkan, Xeebta Curubo aad bay u fool xumeyd. Hadda haddii aad gadaal u fiiriso, aad bay u qurux badan tahay,” ayuu sheegay.










