Mandheera (Dawan)– Ku dhowaad toban sano ka hor, magaalada Mandheera ee waqooyi-bari Kenya waxay ahayd magaalo gebi ahaanba ka duwan muuqaalka ay leedahay maanta. Xaalado amni dartood, waxaa muddo dheer ka jiray bandow adag oo habeenkii ah, taasoo Mandheera ka dhigtay sida magaalo laga guuray marka au qorraxdu dhacdo.
Xilligaas, ganacsiyada intooda badan waxay albaabbada la isugu laabi jiray saacadda toddoba fiidnimo, iyada oo waddooyinka ay noqon jireen kuwa haawanaya. Dadka magaalada ayaa ku qasbanaaday inay la qabsadaan nolol cusub oo xaddidan, iyaga oo dib u habeyn ku sameeyay waqtiga shaqada, ganacsiga iyo isu-socodka bulshada si ay ula jaanqaadaan bandowga daba dheeraaday.
Xiritaanka hore ee dukaamada, makhaayadaha iyo joogsiga gaadiidka dadweynaha ayaa si weyn u saameeyay dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee Mandheera, gaar ahaan noloshii habeenkii oo horey caan uga ahayd magaalada. Sidoo kale, waxaa yaraaday isu-imaatinnadii bulshada, dhaqdhaqaaqii suuqyada iyo safarradii kala dhexeeyay magaalooyinka kale, arrintaas oo beddeshay hab-nololeedkii guud ee magaalada. Inkasta oo ay jireen caqabado badan, haddana bulshada Mandheera waxay mudnaanta siisay badqabkooda iyo amniga, iyagoo isku dayay inay ilaashadaan nolol maalmeedkooda inta suuragalka ah.
Xilligaas bandowga ah ayaa noqday cutub muhiim ah oo taariikhda Mandheera baal ka galay, maadaama uu si qoto dheer u beddelay hab nololeedka, shaqada iyo xiriirrada bulsho ee dadka magaalada muddo ka badan toban sano.
Muuqaalka cusub ee magaalada
Maanta se, marka habeenku galo Mandheera, muuqaalku si wayn ayuu isu beddelay. Qorrax dhaca kaddib, waddooyinka magaalada waxaa ku soo laabta nolol iyo dhaqdhaqaaq, halkaas oo iftiinka iyo sawaxanka ganacsigu iskula jaan qaadayaan, iyaga oo beddelay mugdigii ay magaaladu ku jirtay muddada dheer.
Iibiyeyaasha shaaha, milkiilayaasha dukaamada, farsamayaqaannada iyo kuwa ka ganacsada cuntada waddooyinka ayaa hadda shaqeeya ilaa saacado dambe oo habeenkii ah, qaarkoodna xitaa wixii ka dambeeya saqda dhexe. Dadka magaaladu waxay u tamashala tagaan inay ku raaxaystaan neecawada qabow ee fiidkii, halka hawadana ay buuxiyaan carafta hilibka duban iyo shaaha udgoonka badan.
Kooxo dhallinyaro ah ayaa isugu yimaada hareeraha maqaaxiyaha, iyaga oo wadaagaya sheekooyin iyo shaah, halka dhaqdhaqaaqa gaadiidka uu muujinayo in kalsoonidii lagu qabay goobaha dadweynaha ay dib u soo laabatay.










