Muqdisho (Dawan)- Mustaqbalka Muqdisho: Muruq-tuurka Federaalka iyo Maqaamka Caasimadda ee lagu xeershay Dastuurka cusub ee JFS.
Taariikhda Xukun ee Muqdisho
laga soo bilaabo dhalashadii Dawlad rasmi ah ee uu yeesho Dalka 1960 kii, Muqdisho waxa ay si rasmi ah u ahayd Magaala Madaxda Dastuuriga ah ee Soomaaliya iyo fadhiga rasmiga ah ee Dawladdii rayidka ahayd ee qaab xukunkeeda ahaa “Dawlad Dhexe ”iyadoo ay jireen Maamullo Gobollo iyo Degmooyin loo idmaday awoodo xaddidan marka loo bar bar dhigo Maamul Goboleedyada hadda dalka ka jiro.
Muqdisho ama Banaadir waxaa si toos ah hannaan xukunkeeda go’aamin jiray Dawladdii dhexe ee rayidka iyadoo lagu dhisayo nidaamka xisbiyada badan oo hogaankeeda waxaa soo magacaabi jiray Dawladda Dhexe, iyadoo dhanka kale ay Matalaad 2 kursi ah ku lahayd Golaha Shacabka ee Dalka 1960-1969 kii.
Sanidihii xukunka kacaanka (1969-1991), Afgambigii militari ee uu hogaaminayey Madaxweyne hore AU Maxamed Siyaad Barre waxa uu laalay Dastuurkii Dalka; kala diray Golahii shacabka waxa uuna salka u dhigay Dawlad Ciidan oo leh awoodda dhexe (Centralized Military power). Inta uu jiray xukunkii Kacaanka Ciidanka, Muqdisho waxa ay ahayd xarunta laga jaangooyo siyaasadda, Ciidanka, Dhaqaalaha iyo guud ahaan Maamulka Dalka. Dawladdii Hoose ee ka dhisnayd Muqdisho malahayn awoodo sidaa u cad-cad oo muuqda balse waxa ay ahayd maamul magaalo oo si toos ah u hoos taga Madaxtooyada Qaranka, iyadoo xikmaddu ahayd in xukunka aan la baahin balse la xoojiyo awoodda dawladda dhexe si loo ilaaliyo jiritaanka kacaanka loogana hortago khatar kasta oo lid ku ah xukunka kacaanka.
Sanidihii 1991 dii ilaa 2004 tii, Waa xilli ay meesha ka baxday oo la riday Dawladdii Ciidanka (sanadkii 1991 kii), waxaana guud ahaan meesha ka baxay hey’idihii dawladeed oo ay ka mid ahayd Dawladdii Hoose ee Muqdisho, Waxa ayna Magaala Madaxda gashay sanado dagaallo iyo bur-bur ku taariikhaysan oo aysan Caasimadu lahayn maamul balse u kala qaybsantahay xaafado ay xukummaan hogaamiyo kooxeedyo.
Sanadihii 2004 ilaa 2012 kii, Dalka waxa uu yeeshay Dawladdo KMG ah oo is xig xigay kuwaasi oo nidaam xukunkooda lagu dhisay Cahdigii KMG ahaa ee Mbagathi-Kenya ee looga heshiiyey in Dalka uu qaatay Nidaam xukunka Fadaraalka ah. Muqdisho waxa ay mar kale u diyaar garoowday in ay soo ceshato kaalinteeda Caasimadeed waxaana si rasmi ah u soo dagay Dawladdii KMG ahayd ee la dhisay sanadkii 2004 tii. Maadaama Dalka uu yeeshay CAHDI KMG ah ee ku salaysan nidaamka Faderaalka, Nasiib darro lama caddeyn Maqaamka Magaala Madaxda ee Muqdisho. Dawladihii is xig xigey ee dhashay ilaa laga soo gaaro 2012 kii kuma aysan guuleysan in ay caddeeyaan Maqaamka Caasimadda laguna xeeriyo Dastuurka Dalka.
Sanadihii 2012 ilaa 2022 dii, Magaala Madaxda Dalka ee Muqdisho waxa ay wajahaysay dood weyn ee la xiriirta caddeynta Maqaamkeeda siyaasdeed, Matalaad iyo kan Maamul, balse ma dhicin in si rasmi ah loogu qeexo dastuurka ama sharci kale oo gaar ah. Waxaa muddadaasi soo jiray doodo ku dhisan kala xulashada 3 nuuc Maamul oo kala ahaa 1) Caasimad leh Maamul Degmo/Magaalo, 2) Caasimad Dawlad Goboleed ah iyo 3) Caasimad ku dhex taal Dawlad Goboleed kale.
Dawladdii dhalatay May 2022 dii ee uu Madaxweynaha xilligaan ka yahay Dr Xasan Shiikh Maxamuud waxa ay si dar dar leh u biloowday dhameestirka Dastuurka taasoo la micno ah in ay lagama maarmaan noqonayso in la caddeeyo Maqaamka Caasimadda, in kastoo ay jirtay diidmo xooggan oo ku aadan hannaanka dhameestirka Dastuurka loo maray haddane, Waxaa muuqatay in dhammaan cutubyada dib loo eegay ayna fadhi wadajir ah ku ansixyeen labada Aqal ee Dalka.
Muqdisho iyo Dastuurka Cusub: Maqaamka iyo Matalaadda G/Banaadir
Bishii Maarso, 2026, Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS ayaa kulan ku ansixyey 15 ka cutub ee Dastuurka taasoo lagu sheegay in ay dhammaad u ahayd geedigii dheeraa ee qabyo tirka Dastuurkii KMG ahaa ee Soomaaliya inta laga gaarayo Afti dadweyweyn. Cutubka 5aad, qoodbkiisa 63 aad ayaa lagu xeeriyey sida uu noqonayo Maqaamka Caasimadda Dalka ee Muqdisho. Si loo fahmo qodokaan, Waxaan qraalka gudahiisa ku faah-faahin doonnaa Qodobka 63aad, farqooyinkiisa iyo Mugdiga/Caqabadaha mid walba ku dhex jira ama ka dhalanaya.
Cutubka 5aad:- Nidaamka Federaalka iyo Baahsanaanta Awoodda JFS.
Qodobka 63aad, Farqooyinkiisa iyo Mugdiga/Caqabadaha farqad walba.
1) Maamulka Caasimadda JFS waxa uu yeelanyayaa Golaha Caasimadda, Golaha Fulinta iyo Garsoorka
Farqadaani waxaan ku caddeyn marka horaba nuuca Maamul ee Caasimadda si waafaqsan 3 da xulasho ee muddo dooddeeda soo socotay, loogana dhaqmo aduunyada kale ee heysata nidaam Dawladeedka Federaalka.
Farqadaani, waxa ay sheegaysaa in Maamulka Caasimadda uu yeelanayo Gole Caasimadeed, Gole fulin iyo Hey’ado Garsoor, balse ma jirto xilligaan sharci kale , Xeer ama Dastuur ay leedahay Caasimadda oo lagu qeexay awoodaha iyo qaab dhismeedka hey’adahaan 3 da ah taasoo ah mugdi weyn oo ay ka dhalan karto caqabado iyo culeesyo sharci iyo kuwo siyaasadeed intaba.
Waxaa jiro Xeerka Doorashooyinka oo si aan faah-faahsanayn uga hadlay dhismaha Golaha Caasimadda oo ay dadweynaha G/Banaadir soo dooran doonaan, balse arinta aan caddeyn ayaa ah “Waa maxaay qaab dhismeedka Golaha Caasimadda?, Ma la mid yahay Golayaasha Wakiilada ee Dawlad Goboleedyada? Xagee ayeey ku qorantahay awoodaha Golaha oo ay lagama maarmaan tahay in doorashadooda ka hor la helaa sharci/Dastuur qeexaya awoodaha iyo qaab dhismeedka Golaha Caasimadda.
Iyadoon la helin Dastuur ka jawaaba weydiimaha kore, haddane ay dhacdo in la soo doorto Golaha Caasimadda waxa ay horseedi doontaa mugdi sharci iyo mid siyaasadeed oo ay caasimadda wajahdo. Tusaalaha nool ayaa ah in xilligaan ay Degmooyinka G/Banaadir leeyahiin Golayaal Deegaan oo la soo doortay balse doorashadooda ka hor aan la samayn Sharciga Golayaasha Deegaanka (Local Government Law) oo isaga qeexi lahaa awoodahooda, qaab dhismeedkooda, is doorashada dhexdooda ah iyo xiriirka kala dhaxeynaya Maamulka heer Gobol/Magaalo.
2) Golaha Caasimadda oo ku salaysan Matalaadda Shacabka Caasimadda waxaa laga soo dooranayaa Degmooyinka G/Banaadir
Farqadaani waxa ay tilmaamtay arin togan oo ah in shcabka caasimadda ay iyaga soo dooranayaan wakiiladooda ku matali doono Golaha Caasimadda, balse halkaan waxaa ka dhalanaya weydiimo waa-wayn oo ay ka mid tahay sidee ayeey noqonaysaa MATALAADDA SHACABKA? Sida ku xusan Xeerka Doorashooynka, Caasimadda waxa ay yeelanaysaa Gole ka kooban 97 xubnood oo ay shacabka soo dooran doonaan.
Caqabada ugu weyn ee Golahaan ayaa ah; Sidee loo qaybinayaa Matalaadda iyo isku dheeli tirnaanta bulshada ee Golahaan?, Xilligaan doorashooyinka Dawlad Goboleedyada ee socda, Waxaa xubnaha Golaayaasha wakiilada lagu saleeyay awood qaybsiga ay beelaha Deegaanka ku heshiiyeen ee hore loogu dhisay Golayaashaasi heer Dawlad Goboleed, balse marka ay timaado Muqdisho, Ma jiro Gole dhisnaa oo loo raacayo hannaanka qaybsiga kuraasta ee beelaha, taasoo ah caqabad hor leh oo u baahan xal.
Sidoo kale, Waa sidee qaab dhismeedka uu yeelan doono Golahaan? Tusaale ma waxa uu la mid noqonayaa Golayaasha Wakiilada Dawlad Goboleedyada oo leh Guddoon Gole oo ay dhexdooda iska doortaan taasoo muhiim u ah is xisaabinta hey’adaha Dawladda dhexdooda (Checks and Balance) iyo sidoo kale xaqiijinta Matalaadda beelaha wada daga deegaanka Maamulka laga dhisaayo? Dhammaan weydiimahaan looma haayo jawaabo laga soo xigtay sharciga.
3) Duqa Caasimadda iyo ku xigeenaddiisa waxaa dooranaya Golaha Caasimadda. Duqa Caasimadda Waxa uu magacaabayaa Xoghayeyaal.
Farqadaani waxa ay si toos ah meesha uga saartay xilka Guddoomiyaha G/Banaadir (Governor), taasoo loo fahmi karo in hoos loo dhigay darajada Gudoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Caasimadda, dhinaca kalane loo arki karo in gabi ahaan ba meesha laga saaray jiritaanka Dastuuriga ah ee G/Banaadir oo ka mid ah 18 ka Gobol ee dalka.
Waxaa kaloo ay farqadaani xaddidin tirada ku xigeennada Duqa Caasimadda taasoo noqonayso mugdi siyaasadeed, sidoo kale Sharciga Doorashooyinka ma xaddidin tirada ee waxa uu kaga gaabsaday ku xigeennada. Xilligaani Muqdisho waxa ay leedahay 4 Ku xigeen iyo Xogahayaha guud oo dhammaantooda Duqa Magaalada ahna Guddoomiyaha Gobolka ka gacan siiya hawlaha shaqo ee Maamulka, kuna dhisan ka qaybgalka beelaha caasimadda ee Maamulka.
Haddii xikamadda ku jirta farqadaani ee ah ku xigeenno aan tiro ku xadidnayn ay tahay in matlaadda la wada gaarsiiyo bulshada Caasimadda, Waxaa la heli karaa in Golaha Caasimadda loo yeelo qaab dhismeed ah Guddoon Golaha doorto oo leh Guddoomiye iyo laba ku xigeen taasoo noqon karto fursad lagu yareeyo ku xigeennada badan ee Duqa Caasimadda, isla markaana ay xalliso doodda ah Maaraynta Matalaadda Bulshada Caasimadda. Dhanka kale, in la kala saaro laanta fulinta iyo laanta Sharci dajinta ee Maamulka Caasimadda waxa uu muhiim u yahay xaqiijinta isla xisaabtan iyo is-kor joogtayn hey’adaha dhexdooda ah taasoo horseedi karta waxtar shaqo, hufnaan iyo kalsooni shacab.
Arinta kale ayaa ah, Xoghayeyaalka uu Duqa Caasimadda magacaabi doono, majirto sharci la raaco ee lagu saleeyo Magacaabistooda maadaam ay noqonayaan Xubnaha laanta fulinta ee Maamulka Caasimadda oo maqaamooda noqonayo Maqaam wasiir marka loo eego nidaam dawladeedka awoodaha daadagsan ee ku cad Dastuurka JFS, In kastoo ay dhacday Maalmo ka hore in Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed uu hogaamiyahooda magacaabay Gole loogu yeeray Wasiiro balse ay ahad in loogu yeero Gole Xoghayeyaal si waafaqsan Dastuurka qodobka 166aad, farqadiisa 1aad balse ay muuqato in la jabiyey qodobkaas.
Dhismaha Maamulka Caasimadda ka hor, waxaa lagma maarmaan ah in la helo Dastuurka Maamulka Caasimadda (Mogadishu City Constitution) si looga fogaado mugdi iyo jahwareer ku yimaada hannaanka dhismaha Laanta fulinta iyo hey;daha kale ee uu yeelan doono Maamulka Caasimadda.Samaynta Dastuurka Maamulka Caasimadda waxaa loo marayaa hannaanka loo maray samaynta Dastuurrada Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka maadaama ay tahay in uu noqdo heshiis bulsho oo ka dhaqan gala Caasimadda helana taageerada shacabka.
4) Gobolka Banaadir waxa uu yeelanayaa xildhibaanno ku matala Golaha aqalka sare ee Baaramaanka si la mid ah Gobollada kale ee Dalka
Farqadaan dastuuriga ah, waxa ay si toos ah u sheegtay in G/Banaadir uu kuraas ka heli doono Aqalka sare, balse ma sheegin tirada uu ka heli doono. Haddaan isla aqrinno qodobkaan iyo qoodbka 14aad ee Xeerka doorashooyinka oo ka hadlaya Doorashada xubnaha Aqalka sare, Waxaa kuu soo baxayo in xeerka doorashooyinka uu sheegay in kuraasta Aqalka sare ee ah 54 ta ah ay matalaan Dawlad Goboleedyada oo ay ku jirto Woqooyi-bari (Ex SCC Khatumo). isla xeerka qodbkaas ayaa lagu tilmaamya in ay jiri doonto Mataalad Aqalka sare ee la siin doono G/Banaadir balse lagu xeerin doono cutubka 5aad ee Dastuurka.
Caqabadda farqadaan ayaa ah in uusan Dastuurka cusub sheegin tiro go’an oo matali doono G/Banaadir. Sidaas oo kale, Dastuurka Cusub qodobbadiisa 77aad iyo 78aad waxa ay si cad u sheegayaan in tirada Aqalka sare ahaanayso 54 xubnood ayna matalaan danaha Dawlad Goboleedka laga soo doortay.
Dhanka kale Xeerka Doorashooyinka ma sheegayo in 54 ta kursi ee Aqalka sare lagu qeebsanyo Gobolladii dalka ee 18 ka Gobol ahaa balse waxa uu xeerinayaa in xubnaha 54 ta ah ay ma tali doonaan Dawlad Goboleedyada dalka. Mugdigaan iyo is diidmada Dastuurka iyo Xeerka Doorashooyinka waxa ay horseedi karaan muran sharci iyo mid siyaasadeed oo caqabad ku noqda hirgelinta Dastuurka cusub iyo doorashooyinka Aqalka sare ee heer Federaal marka laga hadlayo xaqiijinta kuraasta Muqdisho/Banaadir ee Aqalka sare.
Arinka kale ee ah jahwareer siyaasadeed ayaa ah in ay dhalato dood ah Aqalka sare waxa uu matalaa Dawlad Goboleed, sidaasi darteen, Muqdisho Dastuurka ma siin Maqaam ah in ay tahay Dawlad Goboleed buuxda, mana heli karto kuraas Matalaadeed ee Aqalka sare ah, taasoo noqonayso dabin cusub oo lagu riday G/Banaadir.