Haregysa (Dawan)- "Shacabka Somaliland waxaan ugu bishaaraynayaa in qodistii shidaalku ay dalka ka bilaabmi doonto ugu dambayn 2027" sidaas waxaa yiri; Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), isaga oo ay kalsooni ka muuqato, xilli uu daahfurayay Bandhigga Carwada Macdanaha Somaliland
Hadalka Cirro ee ku saabsan in qodista shidaalka la filayo inay bilaabato sanadka 2027 ayaa dib u soo nooleeyay dood ku saabsan suurtagalnimada dhabta ah ee Somaliland u leedahay inay ka mid noqoto goobaha laga soo saaro shidaalka, xilli ay wali wajahayso caqabado badan oo isagu jira kuwa siyaasadeed iyo kuwa kale oo la xiriira qaanuunka caalamiga ah oo weli u aqoonsan qeyb ka mid ah Soomaaliya.
Somaliland waxa ay ku taallaa dhul juqraafi ahaan lagu tuhunsan yahay inuu hodan ku yahay shidaal. Sahanno hore oo ay sameeyeen shirkado shisheeye ayaa muujiyay tilmaamo suurtagal ah, balse wali lama helin qodis rasmi ah oo caddeyneysa jiritaanka shidaal ganacsi ahaan faa’iido leh.
Soo saarista shidaalku waxay u baahan tahay maalgelin aad u ballaaran, tiknoolajiyad casri ah iyo khibrad farsamo oo Somaliland kaligeed aanay haysan. Sidaa darteed, helitaanka shirkado caalami ah oo diyaar u ah inay qaataan khataraha sahanka iyo qodista ayaa ah tallaabada ugu muhiimsan ee suurtagelin karta mashruuca.








