Soomaaliya, 15 Oktoobar 2025 — Arday badan oo Soomaaliyeed, qiimaha korontadu wuxuu muddo dheer caqabad ku ahaa waxbarashada iyo hal-abuurka. Fasallada aan lahayn koronto la isku halleyn karo ama qaboojin, ardaydu waxay la daalaa dhacaan dhameystirka shaqooyinka iyo hirgelinta fikradahooda.
“Mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ayaa ah in ardaygu marka uu fikrad soo bandhigo, si uu u hirgeliyo wuxuu u baahan yahay koronto, taasoo qaali ah,” ayuu yiri Cali Cabdi Axmed, oo u dooda waxbarashada. “Marka la eego waxbarashada maanta, haddii loo gudbo tamarta cagaaran, fursado badan ayaa imaanaya, ardayduna waxay heli doonaan awood ay hal-abuurkooda ku hirgeliyaan.”
Caqabadahaan ayaa ahaa kuwo diiradda lagu saaray Bandhigga Guuleystayaasha Soomaaliyeed ee sanadkan ka dhacay Muqdisho, kaasoo diiradda lagu saaray tamarta la cusbooneysiin karo iyo u guurista Soomaaliya ee ka madax-bannaan shidaalka la soo dhoofiyo.
Qorshe Qaran oo Tamarta Nadiifka ah
Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa soo bandhigay qorshe geesinimo leh: in la yareeyo ku-tiirsanaanta shidaalka la soo dhoofiyo 50% iyo in kala bar korontada dalka laga dhaliyo ilo tamarta la cusbooneysiin karo saddexda sano ee soo socota.
“Haddii koronto raqiis ah la heli karo, waxay fududeyn lahayd in ardaydu si hufan wax u bartaan,” ayuu yiri Cabdinur Cali, oo ah aqoonyahan dhanka dhaqaalaha. “Daraaseeyayaasha cimilada waxay sheegaan haddii fasalka uu kululaado, waxay dhibaato ku tahay fahamka ardayga. Jaamacadaha iyo iskuulada aan lahayn qaboojiye ama marawaxado, ardaydu way la daalaa dhacaan.”
Saameynta Ka Baxsan Fasallada
Tamarta la cusbooneysiin karo waxay sidoo kale faa’iido u leedahay qoysaska ku nool meelaha ka baxsan magaalooyinka. Maxamuud Cali, Madaxa Farsamada ee BECO, ayaa sheegay in rakibidda qorax yar ay carruurta u sahlayso inay habeenkii wax bartaan iyo in guryuhu ay awoodaan inay isticmaalaan qalabka muhiimka ah iyaga oo aan shidaal qaali ah isticmaalin.
Jaamacadaha iyo barayaasha waxay arkaan fursad ka weyn oo dhaqan-dhaqaale. “Casharradii iyo waxqabadkii aan maalin kasta ku baraynay buugaagta, maanta si toos ah Soomaaliya looga wada hadlayo. Tani waa faa’iido laba geesood ah: qaybta waxbarashadu waxay ardayda u diyaarin kartaa suuqa shaqada,” ayuu yiri Shaafici Shariif, bare jaamacadeed iyo cilmi-baare. “Gaar ahaan ardayda baranaysa injineernimada — si ay fursad ugu helaan suuqa shaqada oo wax ku biiriyaan.”
Bandhigga Guuleystayaasha Soomaaliyeed, oo sanadkan galay sannadkiisii afaraad, wuxuu iftiiminayaa xalalka awood siiya muwaadiniinta iyada oo loo marayo tamarta la cusbooneysiin karo. Marka si ballaaran loo isticmaalo, Soomaaliya waxay yareyn kartaa kharashaadka, hoos u dhigi kartaa qiiqa, isla markaana kobcin kartaa hal-abuurka iyo waxbarashada jiilka soo koraya.





