Soomaaliya, 22 Sebtember 2025 – Soomaaliya, oo inta badan macaamilada lacagta ay ka dhacaan telefoonka halkii laga isticmaali lahaa lacagaha cadaanka ah, lacagaha mobile-ka ayaa noqday laf dhabarta nolosha dadka. Waxaa lagu bixiyaa raashinka, lacagta iskuulka, gaadiidka, booqashada isbitaallada, waxayna badanaa badeshaa adeegsiga bangiyada.
Si kastaba ha ahaatee, mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ayaa ahaa in adeeg bixiye kasta uu u adeegayo kaliya isticmaaleyaashiisa. Firaaqadan ayaa ah waxa Taran App, oo ay leedahay shirkadda Yiski usoo saartay bishii Luulyo 2024, waxa ay isku dayaysaa in ay buuxiso. Barnaamijkan ayaa isku xira adeegyo horey ukala go'naay sida EVC, eDahab, iyo Premier Wallet, isagoo sidoo kale isku sii xiriirinaya M-Pesa-da Kenya iyo MTN Mobile Money-ka Uganda.
“Hal-abuurkan wuxuu bixinayaa xal aad muhiim u ah macaamiisha muddo dheer ku xayirnaa shabakado gaar gaar ah,” ayuu yiri Bile Axmed, Maamulaha Guud ee Yiski.
Nolosha Iyadoo ay Jiraan Farqi
Sannado badan, Soomaalidu waxay ku howlanaayeenn isticmaalka SIM cards kala duwan ama xisaabaad bank-yo kala duwan si ay lacag isku dhaafsadaan. Ganacsiyadq waxay furan bank-yo badan si ay macaamiishooda ugu adeegaan, halka isticmaaleyaasha caadiga ah ay inta badan ka cawdaan inaysan lacag u diri karin dadka adeegsada shabakad kale.
“Farqi la’aanta isku-xirnaanshaha waxay hoos u dhigtay hufnaanta iyadoo xadidi karta suurtogalnimada sare u kaca dhaqaala dalka,” ayuu yiri Mustafe Cabdullaahi Muuse, La-taliye Isbedelka Dijitaalka ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
“Haddii aan rabbo inaan lacag u diro qof isticmaala EVC oo kale, eDahab ama Premier Wallet, waxay noqotaa caqabad,” ayuu sii raaciyay.









