Hargeysa (Dawan)- Maqaal uu daabcacay Waregysa “The Jerusalem Post “ ayaa si adag u dhaliilay go’aanka Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland, isaga oo ku tilmaamay tallaabo istiraatiiji ahaan khaldan, kana khatar badan faa’iido kasta oo laga filan karo.
Qoraaga maqaalka, Haptom Ghebresghaber, ayaa sheegay in go’aanka Israa’iil uusan xoojinayn xasilloonida Geeska Afrika ama danaha Israa’iil ee Badda Cas, balse uu sii hurinayo kala-qaybsanaanta gudaha Somaliland, sidoo kale kicinayo xiisado goboleed, isla markaana siinaya kooxaha xagjirka ah hub dacaayadeed oo cusub, taas beddelkeedana uu Israa’iil gelinayo go’doon diblomaasiyadeed.
Maqaalku wuxuu tilmaamay in inkasta oo la fahmi karo sababaha Somaliland ay u raadineyso aqoonsi caalami ah, haddana arrintaas aysan marnaba cudurdaar u noqon karin degdegga Israa’iil. Qoraagu wuxuu xusay in Somaliland, oo muddo ka badan 30 sano isku muujinaysay inay ka xasilloon tahay guud ahaan Soomaaliya, ay dhab ahaantii la tacaaleyso isku-dhacyo qabiil iyo loollan awoodeed oo qoto dheer.
“Faa’iido kasta oo Israa’iil ay ka filan karto aqoonsigan, waxaa ka mug wayn halista uu xambaarsan yahay,” ayuu yiri qoraagu, isaga oo intaas ku daray in Somaliland aysan awood u lahayn inay xakamayso go’aanka. "Aqoonsiga Israa’iil ma xoojinayo Somaliland, ee wuxuu sii wiiqaya jilcisanaanteeda".
Qoraalku wuxuu si gaar ah diiradda u saaray doorka qabiilka, isaga oo ku tilmaamay furaha fahamka natiijada xigi karta. Waxa uu xusay in beesha Isaaq ay gacanta ku hayso magaalooyinka waaweyn sida Hargeysa, Berbera iyo Burco, halka gobollada bariga sida Sool iyo Sanaag ay si cad ula safan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya. Aqoonsiga maamulka SSC-Khaatumo (Waqooyi-Bari) ee Muqdisho ay ku dartay nidaamka Dowlad Goboleedyada, ayuu sheegay, inuu si weyn u wiiqay sheegashada Somaliland ee madaxbannaanida.
Sidoo kale, maqaalku wuxuu ka digay in aqoonsiga Israa’iil uusii hurin doono khilaafaadka ka taagan deegaannada lagu muransan yahay halkii uu xal ka keeni lahaa. Qoraagu wuxuu xusay in dhanka waqooyi-galbeed ee Somaliland, halkaas oo ay ku xooggan tahay beesha Ciise ee xiriirka dhow la leh Jabuuti, ay u badan tahay inay ka hor imaadaan awoodda Hargeysa, gaar ahaan marka Israa’iil ay soo farageliso arrimahan. “Isbeddelladan waxay halis gelinayaan midnimada Somaliland iyo awoodda xukunkeeda dhexe,”.







